
Walaalka ama Walaasha Muslimka ahoow u gargaar gabadhaan ciidamada Itoobiyaanka ay kufsadeen.
Ujeedo: Codsi Gar Gaarid.
Fardoowso Cabdi Xaashi waa gabar yar oo 18 jir ah qoyskeeda dhaqaale ma heystaan waxeyna la nooshay ayeeyadeed oo waayeel ah, ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan agagaarka xaafada Xamar Bile ee magaalada Muqdisho ayaa kufsi fool xun u geysteen.
Gabadhaan ayaa waxaa dhumay dareemaheeda, waxayna xiligaan ku jirtaa isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho mana heysato wax ay isku daaweyso.
Gabadhaan ayaa sheegtay inay kufsadeen 15 Askari oo Ethiopian ah iyadoo haatan xanuun xoogan uu hayo isla markaana wax dareemo ah aysan laheyn oo aad u daran tahay.
Hadaba walaalka ama walaasha muslinka ahoow usoo gar gaar gabadhaan dhibaateysan waxii dhaqaale ah oo aad usoo fideysanaan ugu soo hagaajiya HawiyeNews.com si baaris caafimaad dalalka dibadaha loogu qaado, waxaadna kusoo diri kartaa Xawaaladaha Muqdisho ku yaala.
Marka aad dhaqaale usoo dirto gabadhaan dhibaatesan fadlan nagalada soo xirira emailkeena soo sheeg halka aad dhaqaalaha usoo dirtay : hawiyenews@gmail.com
Email: hawiyenews@gmail.com
No comments:
Post a Comment